HomeConstitutionCommitteeNewsAbout NSUMMembershipContact us

News


Warbixin Iyo Map Muujinaya Shacabka Ka Qaxay Magaalada Laascaanood Oo Ka Soo Baxday UNHCR



Bayyaan Issimadda SSC Ku Taageereen Ururka NSUM

Press Release
28. june 2008 

Wareysi Spanish
25. may 2008

 Press release
14 may 2008

Wareysi M. A. Mirre
11 feb .2008


 

NSUM Ayaa Waxa uu Tacsi U Dirayaa Qoyskii Uu Ka Geeriyoodey Shahiid,  Abdi Abdullahi Hassan(Xidhe)



NSUM Conference  - Scandinevian chapters, 23.08.2008 Copenhagen Denmark
 
halkan riix

NSUM Conference  - Pacific Chapter, 5th july 2008
 
halkan riix

  
19.05.2008 - Shirar NSUM qabatay

Shalay oo bishu ahayd 18 Maajo, ayaa mudane Suleiman Abdi Modobe oo ka tirsan gudida fulinta ee ururka NSUM isla markaana ah madaxa waaxda dhaqaalaha ee ururka waxa uu magaalada London ee UK kula shiray gudida jaalliyada SSC ee reer London. Shirkani waxa uu daba socday shir balaadhan oo bishan bilowgeedi xubna sarsare ka trisan hogaanka NSUM kula qaateen jaalliyada SSC ee UK. Shirkaas waxa uu ahaa mid jaalliyada loogaga waramayay ururka NSUM. Warbixin dheer ka bacdi waxa aad loogu riyaaqay ururka oo aad looso dhoweeyay. Hadaba shalay waxa uu mudane Suleiman la kulmay gudida kor ku xusan waxana odayaashi iyo waxgradkii kulanka ka soo qayb galay sheegeen in shirkii dhowaan ka dhacay London uu xusuus wacan ku reebay reer UK oo in uuna haatan ka hor soo marin shir ka wacan. Odayaashi iyo waxgaradkii oo miisan weyn ku leh jaalliyada SSC ee reer UK waxay go'aansadeen in ay ku biiraan oo xubin ka noqdaan NSUM oo, dhamaantoodna isla meeshii isku diiwaan geliyeen.
 
Dhinaca kale waxa isla shalay qabsoomay shir ay madaxda ururku la yeesheen gabdhaha SSC ee ku nool qurbaha. Shirkan oo ku qabsoomay teleconference waxa soo qabanbqaabisay Marwo Faduumo Jama Sanweyne oo ka mid ah gudida fulinta ee ururka. Ujeeddada kulankani waxa uuahaa  in gabdha looga xogwaramo ururka iyo wuxu u tagaanyahay. Waxa gabdhaha u waramay gudoomiyaha ururka Eng. Maxamad Cali Mire, Afhayeenka Guud, Mudane Cisman Xasan X. Cumar, Mudane Maxamud Mire oo ah xoghayn iyo Marwo Faduma J Sanweyne.  Gabdhaha ka soo qeyb galay teleconferencka oo ka kala socdeen Pacific, Europe iyo waqooyiga Ameerika, waxaa gudigu uga warameen waxa ururka loo asaasay, wuxu u taagan yahay iyo waxa uu higsnayo. Su´aalado badan oo la weydiiyey xubnah NSUM ayaa si qancis ku dheehan tahay looga jawaabay,  aakhiritaankiina waxa la isla gartay in maanta dadkeenu uu leeyahay bar tilmaameed oo ah NSUM. Inta ka bacdi waxay gabdhihii balan qaadeen in ay xubno ka noqdaan ururka oo ay hiil iyo hooba la barbartaagan yihiin ururkooda NSUM. 

Images from London Conference, 3rd may 2008
 
halkan riix

Baaqii Isimada SSC ay ku taageerayeen NSUM

halkan riix

Baaqii Jubbaland iyo Jaaliyadda Kenya ay ku taageerayeen NSUM

halkan riix