HomeConstitutionCommitteeNewsAbout NSUMMembershipContact us

Xunaha Ururka NSUM ee New England oo ansixiyey gudi shan xunood ah oo u matalaya golaha dhexe ee ururka

Boston(USUM)Kulankii labaad ee ururka Waqooyi ee midnimada Soomaaliya Northern Somali Unionist Movement(NSUM) ayaa ka dhacay Magaalada Boston . Xubnaha ururka Nsum ee Waaxada New England ayaa kulankaas ku ansixiyey gudiga New England u matalaya golaha dhexe ee ururka Nsum .

Gudoomiye ku xigeenka ururka Nsum Mahadi Maxamed Cali ayaa halkaas ka jeediyey xogwaran faahfaahsan oo ku saabsan qaabdhismeedka , horumarka ,waxqabdaka iyo himilooyinka ururka .

Sida ku cad magaca iyo baaqyada ururka Nsum ujeedada iyo yoolka ururka waxaa gogoldhig u ah midnimda iyo isukeenida qaranimda dhuleed ee Somalia ,waxa uuna ka soo horjeedaa kala go'a Somalia iyo fikradaha la dhacsan gooni -ugoosadka.

Faisal Issa Suleiman
Boston,MA
faisalisse@hotmail.com