HomeConstitutionCommitteeNewsAbout NSUMMembershipContact us

Shirweynahii Guud Ee Ururka NSUM Denmark

Copenhagen(NSUM):-Waxaa ka dhacay casimada ee COPENHAGAN ee dalka Danmark shir weynihii ururka NSUM oo ay kasoo qaybgaleen  dadweyno farabadan oo isaga yimi daafaha dunida o isaugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada.Marti sharaftii kasoo qaybgashay waxaa ka mid ahaa.

 

1- Garaad Abshir saalax
 
2- General Maxamed aadan
 
3- Prof Maxamed faarax axmed
 
 
Iyo madax sare ee ururka NSUM oo ay kamid ahaayeen
 
1- ENG. Maxamed Cali Mire gudnoomiyaha ururka NSUM.
 
2- Mahamuud guhaad oo ka socday jaaliyada UK
 
3- ENG. Maxamed Bullaale wakiilka ururka ee Danmark.
 
shirka waxaa aayadu quraanka kariimka ku furray SHIKH C/RAXMAAN
 
kadib waxaa hadalkii qaatay prof MAXAMED FAARAX AXMED oo kusoo dhaweeyey garaad abshir maxamed saalax iyo madaxdii ururka NSUM shirka iyo DANMARK isagoo mahad balaaran usoo jeediyey xubnihii jaaliyada  SSC ee kasoo qaybgalay shirka.
 
Intaa kadib wuxuu prof maxamed faarax axmed microphon kusoo dhaweeyey garaad abshir saalax
 
garaad bashir saalax wuxuu si buuxda uga war bixiyey xaalada maanta ay ku sugayihiin deegaanada SSC isagoo oo shegay inuu iska fogaynayo amuuraha dhica siyaasada la xariira.
 
GARAADKU wuxuu sheegay in dhibaatoyin faro badan ka jiraan dhulkii sida :-
 
1- abaaro daran
 
2- sicir barar baahsan
 
3- xaaluf aan hore loo arag
 
4- iyo colaado.
 
 
garaadku wuxuu goobta ka sheegay in weli la haysto caasimadii SSC isagoo hadalkiisa ku daray in horey la qabsaday caasimada xiligi oog, guumays, yagoori iyo adhicadeeye ciidamada lasoo duldhigay ee maanta aan la qabsan ee lagu soo durkay uun waa sida uu hadalka u dhigaye.wuxuu kaloo hadalkisa ku daray in gobolada SSC laga qabsaday maamulka PUNTLAND  ee ay ka tirsanaayeen, inkastoo maamulka PUNTLAND  ka gaabiyey dib u qabashada deeganaada ee la haysto.
 
GARAADKU wuxuu hadalkiisa kusoo gunaanaday in bulashada SSC u guntadaan gudaha iyo dibadba sidii ay usoo ceshan lahaayeen deegaanada ka maqan isagoo oo sheegay intaas lagu heli karayo keliya in la helo midnimo iyo isku duubnaan bulshada SSC dhexdeeda .
 
garadku wuxuu kale oo dadweynaha ka codsaday in ay taageero buuxda la siiyo ururka NSUM.
 
 
Waxaa kaloo shirka hadalo qiimo badan kasoo jeediyey GEN Maxamed Aadan isagoo hadalkiisa ku bilaabay  in wadankii ay ugu danbaysay 2006 isagoo dadka kala hadlay kalana taliyey in laga hortago waxna laga qabto arimihii markaa taagnaa si aanay u dhicin kuwa maanta ku habsaday mandaqada ssc. isagoo ku nuux nuxsaday in la midoobo si arinkan wax looga qabto, hadalkiisiina wuxuu kusoo xidhay in ururka NSUM loo fidiyo taageero dhinac kasta ah.
 
intaas ka bacdi waxaa hadalkii qaatay ENG Maxamed cali  mire oo ah gudoomiyaha ururka NSUM, isagoo faah faahin buuxda ka bixiyey ujeedooyinka ururka , waxqabadkisa iyo baahido loo qabo in la helo ururka ay ku midaysan yihiin deegaanada SSC.
 
Waxa kale oo  uu xusay gumoomiye maxamed cali mire in ururka ogolaansho iyo taageero  buuxda ka haysto ISIMADA SSC dhamaantood lana socodsiiyey dawlada federalka somaliya iyo maamul goboleedka PUNTLAND oo ka helay soo dhawayn iyo dhiirigelinba.
 
Gudomiyuhu wuxuu kusoo xidhay hadalkisa isagoo ka codsaday dadweynaha SSC dhamaantood ina lala shaqeeyo ururka taageero buuxdana loo fidiyo.
 
waxaa isna goobta ka hadlay ENG maxamed bulaale oo ah wakiilka ururka NSUM ee DANMARK isagoo faah faahin buuxda ka bixiyey qaabka iyo shuruudaha looga mid noqon karo ururka marka ay soo galayaan xubnaha cusub wuxuu kaloo sheegay in ururku leeyahay website laga heli karo wixii macluumaad dheeraad ah ee oo loo baahanyahay.
 
waxaa iyaguna gabayo dhiiri gelin ah  ka tiriyey goobta shirka YUUSUF aw koonbe iyo saynab jaamac.gabagabadii  shirka waxaa duco dheer ka jeediye garaad abshir kuna soo gabagabeeyey in ilaahay bulshada scc quluubtooda isu jeediyo iyo weliba dhamaan somalida.
 
 
guud ahaanba shirkaasi wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.
 

Freelans journalist: Abdirisak Ali Yusuf danmark.