Dagaalka Xafiisyada Caalamiga Ka Socda Iyo Dadaalka Ururka NSUM.
Oct 19, 2008 By:Yuusuf Cali
M aqaal(jidbaale.com)Tan iyo markii Hargeysa isu diyaarisay in ay midnnimada ummada Soomaaliyeed kala dhantaasho laga soo bilaabo 18-05/1991 waxaa socday weerar iyo weerar celis kaas oo salka ku hayey ololaha ay qaadayeen dadka u ololeeya gooni isu taaga labada gobol ee Hargeysa iya Togdheer iyaga oo magac hore looga gudbay gabbaad ka dhiganaya kaas oo ah Somaliland iyo aqoonyahanka aan mar kaliya nasashada galin ee ka soo jeeda Gobollada Sool,Sanaag, Iyo Cayn oo dhinacooda aduunyada u soo bandhigayey xaqiida dhabta ah ee ka jirta gobolada Waqooyi iyo waqooyi Galbeed Soomaaliya, Laga soo bilaabo Boocame1 iyo Boocame 2 oo runtii sida aan qabo in uu bud dhige u ahaa dadaalka midnnimo ilaalinta.
Ayna taasi keentay in Xog-hayihii qaramada midoobay ee xilliyadii 1992 ilaa 1997 Mr Butros Qaali uu golaha ammaanka iyo jimciyadda loo dhanyahayba uu soo hordhigay go,aankii ugu qiimaha badnaa oo ku yimaada dadaalka Bulshada SSC , markii rag maanta dib reer-yadoodii u cunay ay hordhigeen Mr. Butrus go,aamadii shirkii Boocame1, uuna arkay in ay lagama maarmaantahay iyada oo laga shiidaal qaadanyo dadaaladaas iyo gaashaan u daruurida bulshada SSC in la soo saaro Go,aankii uu Fagadhe oo nasiib darro isaguna ka soo jeeda deegaanka SSC ku tilmaamay in aanu waligii arag go.aan ka xun go,aankaas mar uu New York u tagay in uu isku dayo in uu soo iibiyo qorshaha kala dhantaalida ummadda Soomaaliyeed , waxaanu hadalkani ka soo yeedhay Fagadhe markii la soo hordhigay qoraalo badan oo loo sheegay in bulshada ku dhaqan dhulkii hore loo odhan jiray Somalilandin aanay kala goynta Soomaaliya isku raacsanayn , ayna ka soo horjeedaan qorshaha kala dirida Soomaaliya dadweynaha deegaan ahaan ka soo jeeda SSC.
Ma ay nasan mana ay ka noogin raga ku hawlan in ay taageero u helaan mab,da.ooda ku salaysan gooni isu taaga Hargeysa Iyo Burco, waxayna arrintooda isku dayeen in ay taageero badan uga helaan aduunka, saaxiibo bandanna samaystaan iyagoo qoraalo iyo hawlo kale adeegsaday, waxaan iyaguna marnaba daalin, oo aan nasan aqoon yahanno aan u joojin raga badan oo SSC ka soo jeeda oo ka leexday hilinkii ay markii hore ku taagnaayeen ee difaaca midnnimada dhabarka ku hayey, aqoon-yahan kani waxay markasta ka shaqaynayeen sidii ay god-kasta oo ay galaan kuwa soomaalidiidka ahi , in ay ka daba galaan iyaga oo cadaynaya in qorshayaasha ay dhabarka ku sitaan aanu ahayn mid matala ummadda dhulkii lasyku odhan jiray Somaliland wixii ka horeeyey 1960kii aanay ahayn kuwo dhamaantood ka tanaasulay Soomaalinnimadoodii ee bulshada ku dhaqan Sool, Sanaag iyo Cayn ay taageersan yihiin, midowgii ummadda Soomaaliyeed, iyo aftidii loo qaaday arrintaasi sanadkii 1961, taas oo si buuxda goboladada waqooyi iyo Soomaaliba ugu taageertay midnnimada ummadda Soomaaliyeed.
Ragga aqoon yahanka ah ee xafiisyada caalamiga ah ka wada dagaalka ee aan habeen iyo maalin kaliya niyad jabin, daalina waxay dhawaan si loo mideeyo dadaalka iyo juhdiga aan marnaba la joojin ay garteen in ay isugu tagaan Urur lagu magacaabo, Northern Somali Unionist Movement (NSUM) , waxyaalihii uu ururkaasi qabtay intii uu jiray waxaa la odhan karaa wuxuu sii laban laabay dadaalkii dagaalka xafiisyada Caalamiga, iyo muujintii la tusayey aduunka in deegaanka waqooyi yahay qayb aan marnaba ka go,i karin Soomaaliya inteeda kale.
Magaca Ururka ayaa laftarkiisu ku noqday kuwa gooni goosadka ah laf dhuun gashay, markii markasta rag waqooyi ka soo jeedaa ay noqdeen kuwo goobaha lasku arko shaaca uga qaaday arrimaha ka jira deegaankooda, ayna ugu danbaysa tii ka dhacday shirkii Adis Ababa, markii bananaka looga saaray goobtii shirka kuwo iyagu u dooday in ay matalaan "Somaliland" loona sheegay in Soomaali mid tahay.
Waxaana arrintan raggan aqoon yahannada ah taageero muhiim ah siiyey oo ka dhigay qadiyadooda mid gardaro aan xanbaarsanayn oo Cadaaladi ku dheehan tahay, ururo goboleedyada, iyo kuwa Caalamiga ah ,sida IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Dalalka Islaamka,Midawga Afrika,Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, intaas oo bulshooyin ahi waxay garab iyo xoojinba u noqdeen dadaalka ay wadaan xubnahan aqoon yahanka ahi, oo muujiyey codka bulshada SSC oo ay lagama maar maantahay in markasta la maqlo, si loo ogaado in aan la daalin, dhanbaalna ay ugu noqoto kuwa wali ku shuqlan arrimaha madhalaysnimada ah.
Natiijooyinkii ka soo baxay dadaalkaasna uu dareemi karo qofkasta oo dareen garasho oo qotodheer u saaxiib ahiba, qoraalo badan oo dood awood badan xabraasna la hordhigay raga ka soo kicitimay Hargeysa oo aad ugu rajaweynaa in ay xog-la.aanta laamo badan oo ka tirsan xafiisyada arrimaha dibada ee yurub ka faa.iideystaan, hasa yeeshee la hordhigay qoraalo ay aad ula yaabeen, oo xanbaarsan xogta dhabta ah ee deegaanada Dhulkii hore laysugu odhan jiray Somaliland ka dibna ay candhuuftoodii dib u liqeen.
Waa run oo qabsashadii Laascaanood 15-10-2007 waxay gilgishay dadaalkii hore u muujinayey in aanay wax gacan ku hayn ah oo Hargaysa ku leedahay deegaankaasi jirin,hasa yeeshee warbixinno badan oo ka soo baxay qaramada midoobay waxay muujiyeen in deegaankaasi yahay mid aan shaqo ku lahayn maamulka Hargeysa.
Qoraalku wuxuu marmarka qaarkood ka awood badan yahay madfaca iyo rasaasta,dooda oo aad si hufan oo aqooni ku dheehan tahay u hordhigtid xafiisyada caalamiga ah waa dagaal ka qadhaadh kan xabbada,horena waxaa loo yidhi, Afku wuxuu la xoogyahay magliga Xawda Kaa jare, iyada oo ay sidaas tahay ayaan qabaa dadaalka ay haatan ku hawlan yihiin, in aanu ahayn oo kaliya kan dagaalka Xafiisyada Caalamiga ah, ee dhawaan uu u gudbi doono goobo kale oo ku noqon kara dad badan lama filaan.
Waxaana balantu tahay in sidii loomuujin lahaa in masraxiyadaha ay jilayaan rag ka soo jeeda Hargeysa iyo Burco ay yihiin kuwo iyaga ku kooban, dadaalkuna noqdo mid ay dhamaan bulshada deegaanku ka wada qayb qaataan, kooxdii markaa ku jirta degaalkana lagu badhitaaro, oo lays garab taago, waxaana wanaagu ku jiraa in aadan dadaal markaa la wado dibin daabyo aadan ku noqon ee adigu markaa haddii aad dareentid in aad hawsha dar dar galin kartid dhinacaaga dadaalka ka laban laabtid oo aadan ku mashquulin rag aad isku ujeedo tihiin, haddii markaa aad saluugsan tahay ama dhaliil san tahay arrin in aad adiga oo aan raga aad isku meel uwada jeedaan shawsharayn dhinacaaga halganka ka wadid, haddii kale waxaad la mid noqon kuwa aan doonayn in la dhaqaaqo ee jecel in ay wax walba oo midnimada iyo wadajirka SSC lagu doonayo kala dhantaal, difaaca iyo wax ka qabashada xaalada maanta taagan qofkasta halkiisa ayey ka saaran tahay , haddii Puntland maanta u soo jeesato waajibaadkii ay ka seexatay oo ay talaabooyin lagu diirsato qaado waa la taagerayaa, haddii NSUM ay qaadaan talaabo wanaagsan waa la taageerayaa. Haddii qof kale oo dadaalayaa uu qaado talaabo kale oo halka aynu u jeedno ah waa la taageerayaa, laakiin haddii xaal kaa noqdo, kii waxwadaan afka ku yuubayaa, markaa waxaad noqonaysaa in aadan doonayn in la dhaqaaqo, adna wax dhaqaajisid, kii dhaliisha lahaana la sheegin, markaa waxaad u eekaanaysaa waan fashilanahaye , halayla fashilmo.
Yuusuf Cali